32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Document: Wasiir ka tirsan DF oo lagu dhegan yahay loona qabtay 10 maalin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimmada Online) – Waxa weli socda baritaankii lagu hayey dhammaan wasaaradaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si loo ogaado inay faraha kula jiraan musuq-maasuq iyo in kale.

Baaritaanka ayaa la filayaa in markan lagu sameeyo wasiirka waasaradda boostada iyo is-gaarsiinta Maxamed Ibraahim Aadan, kaasi oo iminka dalka ka maqan.

Amar kasoo baxay Xeer ilaaliyaha iyo hanti dhawrka guud ayaa lagu sheegay inaysan wasiirada DF dalka ka bixi karin amar la’aan, hase yeeshee waxaa jira wasiiro ka maqan dalka oo aan waddankaba soo dagin, sida Maxamed Ibraahim Aadan.

Wasiirka boostada iyo is-gaarsiinta ayaa hadda lagu amray inuu muddo 10 maalmood gudahood ah dalka kusoo galo, sida ku cad warqaddan kasoo baxday hanti dhowrka guud ee dalka.

musuq

- Advertisement -

Read more

Local News