24.3 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

R/W CCC oo la filaayo inuu maanta ku dhawaaqo golihiisa wasiirada cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in maanta oo Khamiis ah uu Ra’isul wasaaraha DF Somalia Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke uu ku dhawaaqi doono Golaha xukuumadiisa.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Tiro badan oo Wasiiradii hore ah uu soo celin doono RW C/rashiid Sharma’arke, iyadoo Go’aankaasina uu leeyahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa’uud.

Sidoo kale, waxaa Xukuumada cusub kamid ahaan doono Xildhibaano ka tirsan BF Somalia oo iyagu u halgamay dhicitaanka Xukuumadii hore ee uu hogaaminaayay C/weli Sheekh Axmed, waxaana la sheegayaa in xulashada xubnahaasi ka dhexmuuqan doono Xukuumada cusub ay yihiin kuwa ku imaan doono rabitaanka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia.

Wasaaradaha cusub ayaa u badnaan doona kuwo la kala qaaday si loogu qanciyo Beelaha Soomaaliyeed ee aadka u dhaliilsanaa tirada xukuumadihii hore ee dhacay.

Xasan Sheekh Maxa’uud ayaa dalka dib ugu soo laabtay maalinimadii shalay, si uu maanta oo Khamiis ah Goobjoog ugu ahaado Munaasabadda ku dhawaaqista Golaha Wasiiradda RW Cumar C/rashiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News