24.5 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Sheekha ugu weyn Guri-ceel oo hadlay kuna dhowaaqay arrin DF Somalia ay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka ku nool Magaalada Guri-ceel ee gobalka Galgaduud, ayaa ka digay in Ururdiimeedka Ahlusuna ay dagaal la gasho Dowlada Federaalka Somalia.

Sheekh Maxamed Jaamac Yare oo ah Sheekha xiligaani ugu wayn magaalada Guri-ceel ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay inay Khalad u arkaan in Ururo gaar ah ama shaqsiyaad isbeheystay ay dagaal la galaan Dowlada, waxa uuna tilmaamay inaan dagaal lala gali karin, isagoona digniin u diray shacabka gobalka oo u hiilinaaya Ahlusuna.

Wuxuu Maxamed Jaamac sheegay in Dowlada iyo qaar ka mid ah culimada Ahlu Suna ay wada socdaan ayna qalad tahay in laga hor yimaado Dowlada,nislamarkaana Cadeeyay in dhinacyada is haya looga baahan yahay inay danta umada ka wada shaqeeyaan colaadana ay joojiyaan.

Sheekh Maxamed Jaamac Yare oo ka hadlaayay Arrintaasi ayaa waxa uu yiri “Kuwa ka baxay magaalada iyo odoyaasha dagaalka hurinaya waxaan leeyahay ilaahay ka baqa ee magaalada ku soo noqdo nabadana ka shaqeeya”.

Haddalka Sheekh Maxamed Jaamac Yare, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo dhawaan ay Ciidamada DF Somalia dagaal kula wareegen Degmada Gura-ceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo mudo sanado ah ay xukumayeen Ururka Ahlu suna ee gobolada dhexe, balse dagaal looga itaal roonaaday kadib ay halkaasi ka rarteen Boorsooyinkooda.

Maamulka iyo Saraakiisha Ahlu suna ayaa xili hore daboolka ka qaaday inay awood kula wareegi doonaan degmada Gura-ceel oo hada gacanta ugu jirta Ciidamada Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News