28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dhaawac culus oo soo gaaray wasiir ka tirsan Maamulka AXMED MADOOBE !!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa sheegaya in halkaasi lagu dabiibaayo wasiir ku-xigeenka arimaha gudaha Maamulka KMG Jubaland oo lagu magacaabo Abdirashiid Xasan Cabdi Nuur.

Wararku waxa ay sheegayaan in Wasiir ku-xigeenkaasi uu dhaawac culus kasoo gaaray Shil gaari, waxaana lasoo warinayaa in xaaladiisu ay tahay mid kasoo reyneysa sidii hore, inkastoo la soo sheegayo inuu gaaray dhaawac culus.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka KMG ah ee Jubba, ayaa inoo xaqiijiyay in dhaawaca Wasiir ku-xigeenka uu yahay mid culus, balse iminka uu kasoo hagaagayo sidii hore, waxa ayna sheegeen in dhaawaca xoogiisa uu kasoo gaaray qeybta kore ee jirkiisa, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiintaasi.

Wasiirka ayaa xilligan lagu dabiibayaa cisbitaal Meletery oo ku yaala dalka Ethiopia waxa ayna saraakiisha Caafimaadka rajo wanaagsan ka muujinayaan dhaawaca soo gaaray Mas’uulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News