Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Cumar Cameey oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland, ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan aqoonsaneyn Maamulka Khatoumo Stete.
Waxa uu sheegay inaan la joogin xiligii Khatoumo loogu talo galay in lagu dhawaaqo, isagoona si cad u sheegay in Cali Khaliif ay u garanayaan inuu yahay Hogaamiye kooxeed, sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.
“Aniga ayaa Siyaasadda ugu matala Maamulka Puntland Gobolada SSC, Cali Khaliif ma ahan Madaxweyne, Maamul Khaatumo la yiraahdana kama jiro Goboladaasi,” ayuu yiri Camey.
Sidoo kale, Camey wuxuu ku tilmaamay Prof. Cali Khaliif Oday ku fashilmay Siyaasadda Soomaaliya, oo haddana iska sheegtay Madaxweynaha Khaatumo, isagoo aan haysan Aqoonsi Caalami ah iyo mid Shacabkiisa intaba.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in dhowr asbuuc kadib uu ku wajahan yahay Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, isagoona halkaasi la tagi doono ciidamo iyo gaadiid dagaal sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale, Maamulada Somaliland iyo Puntland, ayaa ku loolamaayo deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo Maamulka Madaxweyne Cali Khaliif Galayr ee Khaatumo dhankiisa leeyahay waa Dhulkayga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

