28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Muqdisho iyo qaraxyo kale oo hor leh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax jug xoogan sameeyay, ayaa maanta wuxuu ka dhacay Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, iyadoo qaraxu uu geystay khasaaro dhimasho ah, iyadoo dhanka kalana aysan jirin cid loo soo qab qabtay.

Qaraxa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeyso xaafadaha Cali Kamiin iyo Xararyaale, ka dib markii lagu weeraray gaari ay la socdeen Ciidamada Dowladda Somaliya, walow aynaan waxyeelo ka soo gaarin askartu.

Qaraxa ka dib waxaa goobtaasi laga maqlay rasaas xoogan oo afarta jiho ay u furayn Ciidamada Dowladda Somaliya, xilli ay ka nabadgaleen qaraxaasi miino, oo horey wadada dhinaceeda loogu sii diyaariyay.

Laba ruux oo rayid ah, ayaa la soo sheegayaa in qaraxaasi ku dhinteen, waxaana meydadkooda kolkii dambe loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho, si aas loogu sameeyo.

Ciidamada Naba Suggida iyo Booliska oo gaaray halka uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxay ka sameeyeen baaritaano ku aadan, walow aan la soo sheegin cid ay u soo qab qabteen.

Qaraxaan wuxuu ku soo aadayaa, xilli si weyn loo xoojiyay ammaanka Magaalada Muqdisho, waxaana mantainta badan wadooyinka ugu muhiimsan ee Caasimada lagu arkayaa ciidan fara badan.

Ciidamada Dowladda, ayaa hakad geliyay dhaq dhaqaaqii isgoysyada ku yaala Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News