28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Ciidanka Puntland oo mas’uul sare oo maamulkaas ka tirsanaa ku toogtay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Puntland, ay toogasho ku dileen Khasnajigii Degmada oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi Yaasiin Ciise.

Toogashada Mas’uulkaani ayaa waxaa saxaafada u xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmadaasi Cabdifitaax Guruu, waxa uuna sheegay in mas’uulkaasi uu ku baxay gacanta Ciidamada Maamulka, gaar ahaan Askari ka mid ahaa Ciidamada Maamulka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Marxuumka dhowr xabadood lagala dhacay madaxa iyo Xabadka xilli uu Howshiisa Shaqo ku guda jiray.

Sidoo kale, Marxuumka ayaa dhaawac ahaan loo gaarsiiyay Isbitaal ku yaalla Waqooyiga Gaalkacyo, balse markii dambe uu u geeriyooday Dhaawacii cuslaa ee ay gaarsiiyeen Askarta Maamulka uu kamid ahaa ee Puntland.

Dhanka kale, waxaan la ogeyn sababta ka dambeysay hujuumka, balse dadka qaar ayaa sheegaya in Ciidanka ay doonayeen inay ka dhacaan Lacag uu u hayay Maamulka Degmada Xarfo, oo uu Khasnad haye u ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News