Anigoo daba jooga maqaal aan horay ugu qoray webkan caasimada ee aan ciwaan uga dhigay: Isu guurin, uur,fool, dhicis iyo kala furid http://caasimadda.net/siyaasadda-soomaaliya-isu-guurin-uur-fool-dhicis-dhimasho-iyo-kala-furriin/ ayaa waxaa inoo muuqata in xukumadda cusub ay fooshii ku adkaatay sababo la xiriira dhawr qalliin ee lagu sameeyey ee caruurta qaar looga soo saaray kuwo hor lehna la geliyey.
Bal aan isla eegno waxyaabaha arrinkaa sababi kara, cudurka caruurta soo rida ama dhiciska sababa sannad kadibna dhimashada u keena; mase la daweyn karaa? Mise cudurku waxa wadaadada mudaawaadka ugu yeeraan Umusibyaan?
Macnaha dal waa dhul soohdin la yaqaano leh oo la deggan yahay, dadna waa waa naasley waxa Allah aburay ugu karaamada badan, Dastuurna Waa heshiis ama xeer ay ku heshiiyeen koox meel wada degta, Dawladna waa dal uu dad ku nool yahay lehna calan iyo xuduud caalamku u aqoonsan yahay
Intaasi qaybood way inoo dhan yihiin iyadoo weliba Ilaahay nagu manneystay dad isku diin ah, isku dhaqan ah, isku af ah iskuna taariikh ah.
Haddii aan ku so laabto dulucda erayada aan qormadan cinwaanka uga dhigay, waxaa jirta in maraxaladdan aan ku jirno si aan tallaabo horumar loo qaadin la isku dabray dalkii, dadkii, dastuurkii iyo dawladnimadii.
Isku dabarka dalka waxaan ula jeedaa in dadkii ku noolaa dalka lagu dabray cadaawad dhexdooda ah iyadoo qayb kasta ee dalka ka tirsan loo tusay inay goonideeda wax u sameysan karto una heli karto qaybtii kaga soo aada boobka hantida dalka, waxaana beryahan dhegeheenna ku soo dhaca oraahda oraneysa “Sadkeenna si goonni ah oo toos ha naloo siiyo, dawladna yaan naloo soo marinin” laguna ibtileeyey in aysan midnimada dalka wax dani ah ugu jirin.
Taasina waxay dhalisay in ay dhashaan maamul gobaleedyo u arka midawga iyo dawladnimada dalka inay danahooda gaarka ah ku weynayaan markastana ay diyaar u yihiin inay jillaafo u dhigaan ama darbeeyaan dawladnimada, waxayse hilmaamsan yihiin oraahda Soomaaliyeed ee oraneysa “Waxa hooyada uurka leh u roon ayaa canuuga uurka ku jirana u roon”
Dadka waxaa lagu dabray oo lagu ibtileeyey qabyaalad oo qabiilkastaahi doonayo inuu ku sad bursado siyaasadda, degaanka iyo hantida dalka cid kalena uusan waxba u oggolayn, sidaasina ay keentay in dadkii uu dalku ku tashanayay u qabysamaa xil doon, xoolo doon iyo xaqdarro doon iyagoo gar iyo gardarradaba qabiilka kasta ku tageera kuwa horboodaya si ay xaqqa dadka kale u duudsiiyo, waana tan keentay in maamul goboleedyada la dhisay dad badan oo degaanka ka tirsana ama ugu badnaa xaqqooda la duudsiiyeyey, caddaaladdarro baahsanna ay ka dhalatay dabarna ku xirtay dowaladmima iyo qaranim taam ah oo uu dalku yeesho.
Dastuurka waxaa lagu dabray inaynaan noqon qaran taabbo qaada, waxaanan oran karaa wuxuu u eg yahay heshiis lagu heshiiyey inaan la heshiin, sababta aan sidaa u leeyahayna waxay tahay:
- Iyadoo lagu dhisay caddaalad darro sida waxa loo yaqaan 4.5 oo aan diin iyo caqliba ku saaeysnayn.
- Waxaa madaxa la isu geliyey awoodihii hay’adaha dastuuriga oo maanta sabab u noqday in la waayo dawlad dalkeenna ka hana qaadda.
- Waxaa shaki weyn la geliyey soohdimihii dalka, qaranimadii iyo qaabkii loogu talagalay federeraalka.
Qaab beeleedkii Dastuurka lagu saleeyey wuxuu horseeday in qaranimadii iyo dawladnimadii ay u dabranaato beelo sad bursi doonaya oo ay hor boodayaan odayaal dhaqamedd iyo xildhibaanno uu Yuusuf Garaad Boggiisa Facebook ku tilmaamay “Hooyaad-diid” oo aan u fahmay inuu ula jeedo inay ka dhex bixi la’yihiin Xafiiska Madaxweynaha iyo Ras’isul Wasaaraha si beeshooda u hesho Wasiirka iyo Wasaaradda uugu wanaagsan, taasoo dhalisay in Xukuumadda la sugayo fool diinku ku raagto kana baqo in Soomaaliya magacyada bixsaa ay u bixiyaan xukuumaddii SUGAAL ama RAAGE.
Waxaa laga yaabaa inay jiraan Dad badan oo qaba in dalkeenna iyo dadkeennuba ay halis ugu jiraan inay burburaan maalin cadna suuqa lagu qaybsado. Ra’yigaas waan kaga geddisanahay waayoo ku kalsoonaanta Rabbi ka sokow dadka Soomaaliyeed marna lagama yaabo inay si sahal ah u kala jajabaan, waayoo waxaa jira tiirar adadag oo diidaya in irdhoobaan.
Kala qoqobka iyo kala qaybsiga haatan jiraa waxaan u arknaa mid ku meel gaar ah oo ay sabab u tahay dakanadii kala gaartay dadkiinna caddaalad darradii ka timid dawladihii dalka isga dambeyey xornimada kadib iyo dagaalladii sokeeye ee soo maray, ALLAHNA uu xoogaa dhedhensiinayo ciqaabta dembiyadii ay kala galeen.
Waxaan aaamin sanahay inaan dabarka nagu xiran aan iska furi karno, inaan noqon karno dal xor ah, dad, xor ah, yeelan karno dastuur xor ah iyo dawlad xor ah. Sideen ku noqon karnaa? Waxaan ku noqo karnaa inaan ka xorowno afkaaraha gurracn ee ku saleysan qarandiidnimada, qabyaaladda kana baxno qarafeysiga iskuna filnaano.
Isbedelka cirka ka imaan maayo waa inuu innaga naga yimadaa, waayoo nimcadii aan ku jirnay innnaga ayaa ka bedel qaadanay, arrinkaasana ALLAh subxaanahu wataacaalaa qur’aanka ayuu noogu sheegay:

““Arrintaasna waa inaan Alle doorinin Nicmo uu ugu Nicmeeyey Qoom intay ka Dooriyaan wax naftooda ah, Allhnaa waa Maqla Og.”
Sidoo kalene, Alle wuxuu yiri:
﴾إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُوا مَا بِأَنْفُسِهِمْ﴿
“Ilaahayna ma dooriyo wax dad ku suganyihiiy intay ka dooriyaan waxa naftoodu ku sugan tahay”
Ayaddan waxay xallineysaa malaayiin shay, qofkastana waa inuu xaalkiisa eega, haddii xaalku ku xumaado waa inuu dib isugu laabtaa oo uu iska saxaa halka cilladdu ka haysato, una cararaa tawbad keenka allihii abuuray iyo ku toosnaanta waddadii qumaneyd ee loo abuuray.
Cidina yaanan eedeyn, dhibka maanta na haystaa annagaa isug wacan, wxuuna rasuulka csw noo sheegay in ciddii khayr heshaa inay Allah ku xamdiso, ciddii wax ka duwan heshaana yeysan cid kale eedin oo nafteeda ha eedeyso.
((فمن وجَدَ خيرًا فليَحْمد الله، ومن وجدَ غير ذلك فلا يلومنَّ إلا نفسَه ))
Waxaan qormadeyda ku soo gabagabeynayaa in aan dhammaanteen dib ugu laabano Macnaha weyn ee ay xambaarsan tahay suuratu Takaathur oo uu ALLAH inoo sheegay in muhimadda weyn ee naloo abuuray ay tahay inaan isaga uun caabudno aan aan badankeen garab marnay kuna mashquulnay wax aan dan adduunyo iyo mid aakhiro toona noogu jirin.
Suuraddan ciddii ku tataburta nolosheeda wax weyn ayay ka baddaleysaa insha allah waayoo Allah wuxuu noogu sheegayaa in adduunyo iyo wax badsi ay na shuqliyeen, waxbadsigana naloom caddeyn bale wuxuu noqon karaan maal, awlaad, guryo, xoolo iyo adduunyo kale iyo isugu faanis adduunyada arrimaheeda.
Wuxuu kaloo Allah noo sheegay in arrinkaasi insaanku uusan deynayn ilaa uu khubuuraha siyaarto.
Haddaba, inta ay goori tahay aan isdabaqabanno, wanaaggana aan isu kaalmeeyno, dowladnimadana curdanka ahna aan ilaashanno oo dabarka nagu xiran aan iska furno.
W/Q: Cabdikariim Xaaji Yusuf

