27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Beesha Karanle oo isku fahantay shaqsiga ay wasiirka ka dhigan laheyd

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo kala duwan oo magaalada Muqdisho ku dhex maray Odayaasha Beesha karanle ”Murusade” ayaa waxa ay isla meel dhigen shaqsiga u matali lahaa Xubinta ay ku lee yihiin Xukuumada Cusub.

Mid kamid ah Odayaashasi ayaa xaqiijiyay in xubintaasi ay isku hayeen Laba Mas’uul oo kala ahaa Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim iyo Mustaf Dhuxulow, balse xiligaani ay isku raaceen in xilkaasi uu u qabto Sii haayaha wasaarada warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, in kastoo lagu eedeeyay ka warqab la’aan beeshiisa.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili Mustaf Dhuxulow uu rajadiisa Siyaasadeed usoo bandhigay Xildhibaanka Beeshaasi ugu tunka weyn ee magaciisa loo soo gaabiyay ”Dhag-dheer” oo isagu mug iyo miisaanba ku dhexleh Beesha iyo dhanka DF Somalia.

Dhag-Dheer, ayaa waxa uu suuragaliyay in dhuxulow uu kusoo laabto xukuumada cusub, waa hadii uusan dhicin isbedel Siyaasadeed, maadaama ay siyaasadu tahay mid aan leysu haleyn karin.

Dhuxulow ayaa ka mid ahaa Wasiiradii ugu firfircoonaa xukuumadii C/Weli Sheekh, hayeeshe xiligii dambe waxa uu ku biiray garabkii kasoo horjeeday Madaxweyne Xasan ee Mooshinka diidanaa.

Si kastaba, soo celinta Mustaf Dhuxulow ayaa waxaa sidoo kale kaalin ku leh ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, oo doonaya in xubnihii kasoo horjeeday madaxweynaha qaarkood uu soo celiyo, si uu isu dheeli tir u sameeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News