29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

CC oo ay hor yaalaan laba caqabad oo sababi kara in xukuumada fashilanto

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa la soo deristay caqabadihii ugu darnaa, si codka kalsoonida uu kaga helo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

In ka badan 150 Xildhibaano oo ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa aragti mideysan kaga horyimid Golaha Wasiirada ee 12-kii bishaan uu ku soo dhawaaqay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya.

Xildhibaano si adag kaga hadlay magacaabidda Golaha Wasiirada cusub, ayaa waxay sheegeen inaysan si naba u aqbali doonin Golaha Wasiirada cusub, iyagoona meesha ka saaray waxa loogu yeero masuq maasuq.

Culeyska labaad, ayaa wuxuu Ra’iisal Wasaaraha kala kulmay Guddoonka Sare Baarlamaanka Somaliya, oo iyagu muddeeyay in maalinta Sabtida Ra’iisal Wasaaraha laga doonaayo in Wasiirada uu horkeeno Baarlamaanka. Tani waxay soo yareyneysaa fursadihii uu ku kala jebin lahaa Xildhibaanada gadoodsan.

Dadka odoroso Siyaasadda Somaliya, ayaa waxay kuu sheegayaan in markaan culeys weyn uu soo wajahay garabka Madaxweynaha Somaliya, ayna adkaan doonto in la kala fur furo Xildhibaanada.

Xildhibaanada qaarkood, ayaa waxay balanqaadeen in Ra’iisal Wasaaraha ay ku khasbi doonaan, in uu Golaha Wasiirada kula laabto halkii laga soo yegleelay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News