Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ogolaaday wax ka bedel iyo isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada cusub ee Cumar C/rashiid uu dhowaan soo dhisay, kuwaasoo muran weyni ka dhashay lagana cabsi qabo inay kalsooni ka waayaan Baarlamaanka.
Beesha caalamka ayaa la sheegay in madaxweynaha ay ugu baaqday inuu yareeyo xiisad siyaasadeed ee ka dhalatay xukuumada cusub, kana hortago khilaaf kale oo yu yimaada hay’daha dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wax ka bedel iyo isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada cusub ee muranka dhaliyay, balse ma xaqiijin in meesha laga saarayo 4 kamida Golaha wasiirda oo muran weyn ka taagan yahay ahna saaxiibadiisa gaarka ah.
Wararka qaar ayaa sheegayain weli uu ku adkeysanayo Faarax C/qaadir iyo Sambaloolshe, balse uu ka tanaasulay Xalane iyo Guuleed, taasina ay diidan yahay xildhibaanada.
Olole balaaran oo xalay iyo maanta wadaan Golaha wasiirada la magacaabay iyo siyaasiyiinta kooxda madaxweynaha la safan ayaa xowli uga socda Muqdisho iyadoo xildhibaannada ka soo horjeeda lagu qancinayo arrimo kala duwan, balse waxaa muuqata inay weli mowqifkooda ku dheggan yihiin ayna ridi doonaan xukuumadda cusub..
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

