Xog: Maxaad kala socotaa Imaaraadka iyo kaalinta uu ku lee yahay khilaafka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhibaatada ka dhex taagan Wasiirada cusub iyo Xildhibaanada Federaalka ay ku lug leedahay Dowlada Imaaraadka Carabta.

Saraakiil noo warramay ayaa sheegaya in kala irdhoobida Wasiirada iyo Xildhibaanada ay dhaqaalo adag ku bixineyso Dowlada Imaaraadka Carabta, taasina ay keentay in xildhibaanno badan ay diidaan lacag laaluush ah oo madaxweynaha uu usoo bandhigay.

Ujeedada ay Imaaraadka sidan u sameynayaan ayaa lagu sheegay inay tahay ayada oo aan la dhacsaneyn hanaanka Dam-Jadiid ay Siyaasada Somalia u maamuleyso.

Waxaa sidoo kale jira dagaal siyaasadeed oo ka dhex taagaan dowlada Imaaradka iyo dowladda Qadar oo gadaal ka riixeysa Damu-Jadiid, taasi oo saameysay siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka war-hayo arrintan, balse uu garan la’ yahay wax tallaabo ah oo uu qaado si uu meesha uga saaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com