28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xildhibaanno sheegay arrin halis ah oo A/Madoobe & Shariif Xasan ay wadaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhowr maalin ka hor ay warbaahinta maxaliga ah baahisay in Madaxweynayaasha Maamulada Juballand iyo Koofur galbeed ay faragalin ku hayaan dhismaha Golaha Wasiirada ayaa waxaa arrinkaasi ka hadlay Xildhibaan Cabdi Barre.

Xildhibaan Cabdi Barre oo kamid ah mudanayaasha BF, ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Labadaasi Mas’uul ay faraha kula jiraan howlo aan loo igman, waxa uuna tilmaamay in Ujeedkiisu yahay in labadaasi uu kaga digaayo faragalinta ay ku hayaan wasiirada.

Xildhibaanka oo eedeyntaasi bayaaninaayo ayaa waxa uu yiri “Waxaan rabaa in Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan aan kaga diggo fara-gelinta ay ku hayaan Golaha Wasiirada, ee magacaabidoodu uu ku hawlan yahay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.”

Waxa uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan waxyaabaha loo doortay oo ah inay ka adkaadan hanaanka Maamulkaasi, balse aan loo dooran inay kala geeyaan Madaxda qaranka.

Dhanka kale, waxa uu Xildhibaanku cadeeyay in faragalin la sameeyaa aysan uga tanaasuli doonin Mowqifkooda ah dhismaha Golaha Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News