31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

VIDEO: Somaliland oo soo bandhigtay cududdeeda ciidan ee xadka Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Somaliland ee fariisinka ku leh jiida hore ee deegaanka Ganbadha ee magaalada Laascaanood ayaa soo bandhigay cududooda ciidan, xili uu halkaasi booqasho dhoolatus ah uu ku tegay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, taasoo ka careysiisay maamulka Cabdiweli Gaas ee Puntland.

Cutubyo ka tirsan ciidamada iyo gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa halkaasi kusoo bandhigeen dhoolatus ay ku muujinayeen inay u diyaarsan yihiin difaaca iyo ka hortaga cid kasta oo lid ku ah danaha Somaliland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Cabdiweli Gaas ayaa looga hadlay sida Puntland ay ugu soo horjeeda booqashada uu Laascaanood ku yimid Madaxweynaha Somaliland, kuna tilmaameen inay booqashadaasi tahay daan daansi iyo hurin colaadeed, iyadoo lagu sheegay qoraalka in Laascaano ay ka mid tahay Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News