bMuqdisho (Caasimada Online) – Warar cusub ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu todobaadkan gudihiisa magacaabi doono Golihiisa Wasiirada, waxaana ay u badan tahay in aan wax saameyn ah ku yeelan doonin Wasiiradii hore ee muranka badan dhaliyay.
Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in xubnaha Wasiirada ay badankood soo laaban doonaan, iyagoo markan heysta taageerada Xildhibaanada beelaha.
Wararka ayaa intaa ku daraya in qofkiiba uu keensaday tiro xildhibaano taageersa oo ay beel wadaag yihiin, waxaana tani ay ka saacideysaa marka ay timaado ansixinta Xukuumada in wasiir walba uu u diyaarsan yahay xildhibaano ku filan, si loo ansixiyo.
Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya Saaxiibada Madaxweynaha oo badankooda la diidanaa ayaa Golaha ku soo wada laaban doona, taasina lama yaqaano jawaabta ay ka bixin doonaan Xildhibaanada la baxay Badbaado qaran, kuwaasoo si weyn uga soo horjeeda in la soo magacabo Gole Wasiiro oo ay ku jiraan raggii Labo Xukuumadood soo dumiyay (Xukuumadihii Saacid iyo C/weli).
Xubnaha soo laaban doona waxaa ka mid ah:-
Cabdullaahi Sanbaloolshe
Faarax Sheekh C/qaadir
Xuseen Cabdi Xalane
Cabdikariin Xuseen Guuleed
C/raxmaan Ducaale Beyle
Daa’uud Bisinle
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheegay inay isku raaceen inta badan magacyada liiska Golaha Wasiirada, waxaa dhiman oo kaliya in si rasmi ah loogu dhawaaqo todobaadkan gudihiisa, marka ay dowladdu ka dhamaato soo dhoweynta wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo berri oo axad ah imaanaya Muqdisho.
Dad badan oo falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa aaminsan in mudada uu qabsaday Ra’iisul wasaaraha ee 14 cisho ay markii horeba aheyd qorshe siyaasadeed oo doonayay in lagu kala fur furayo Xildhibaanada ka soo horjeeday xukuumada.

