Muqdisho (Caasimada Online) – Fowsiya Yusuf Xaaji Aadan oo ah Gudoomiye Ku Xigeen kutladda Baarlamaanka ee Toosinka Talada Qaranka ayaa wareysi gaar ah oo ay siisay idaacadda Goobjoog ku sheegtay in iyadu uusan ku jirin damac wasiirnimo, iyada oo Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishii Kula Talisey in aanu soo celin wasiiradii hore.
Waxa ay dhanka kale ka hadashay Kutladda ujeedada loo dhisey oo ah in wax la saxo oo aan dalka carqalad lagu noqon.
Fowsiya ayaa wareysiga ku sheegtay in ay doonayaan toosinta howl maalmeedkii wasaaradaha, Cadaaladda, caafimaadka, tacliinta, shaqo raadinta dadka dhalinyarada ah, hantida qaranka oo maqan, Ciidamada iyo arimaha dibadda.
Dalabka ugu weyn ee Kutladda Toosinta ee Cumar Cabdirashiid ay tahay in aanu soo celin wasiiradii hore oo ay sheegtey in ay diideen.
Fowsiyo waxa ay horey usoo ahayd Ra’isulwasaare ku xigeen, ahna wasiirka arrimaha dibada, waxaana aad loo hadal hayay maalmahani in ay ku jirtey dadka wasiirnimada loo filayay.
Hadabada Wareysiga halkan ka dhagesyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

