28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

“R/W CCC oo isaga un is fashilinaaya”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibraahim oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa Ra’iisal Wasaaraha ugu baaqay haddii uu doonaayo in Xukuumadiisu ay shaqeyso, inaanu Xukuumadiisu kusoo darin dhamaan wasiiradii la soo shaqeeyay Shirdoon iyo Cabdi weli sheekh axmed.

Waxa uu sheegay in Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid uu isaga fashilin karo Xukuumadiisa, islamarkaana uu isagu najixin karo, waa haddii uu yiri uu ka waantoobo misna ka fogaado shaqsiyaadka aan maslaxada dalka marnaba ka shaqeyn, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, waxa uu farta ku goday in go’aankooda uusan aheyn mid u baahan in Xildhibaano leysu raadiyo, balse uu yahay mid go’an oo ay ku hor istaagi doonaan Xukuumada soo socta.

Mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiiro hore iyo Xildhibaano marar badan isku noq noqday si ay go’aan kaga gaaraan arrinta Golaha Wasiirada, ayaa waxaa la soo sheegayaa inaanay ka soo bixin natiijo miro dhal ah.

Dhanka kale, Natiijo la’aantaasi ayaa waxa ay ka turjumeysaa heerka uu gaarsiisan yahay Is fahan’waaga Siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda sare iyo Golaha Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News