Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanayo Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolkaasi ee Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac uu soo bandhigay Maleeshiyaad kasoo jeeda Koonfurta Magaalada gaalkacyo oo uu ku eedeeyey in loo soo qalabeeyay carqaladeynta Deegaanada Maamulka Puntland.
Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in maleeshiyadaas ay soo ababiyeen Saraakiisha Maamulka Koonfurta Gaalkacyo, si ay falal lid ku ah Amaanka uga geystaan Gobolka Mudug, sida uu hadalka u dhigay Gudoomiyaha.
Maxamed Yuusuf Jaamac waxa uu sidoo kale sheegay in Maleeshiyadaasi ay falal lagu qalqal galinaayo Maamulka Puntland ka geysteen Wadada Xariirisa Gaalkacyo iyo Jariiban.
Gudoomiyaha Gobolka ayaa ku dooday in gaadiid ay leedahay Hay’ada Wadooyinka Puntland ay jidka ugaleen dhalinyarada Galmudug kasoo jeeda, waxaana intaa uu raaciyay in dhanka kalena ay weerareen Dad geelay ah.
Maamulka Koonfurta Gaalkacyo, ayaa beeniyey eedeymaha Puntland, waxayna sheegeen in dadka la qabtay ay yihiin shacab, islamarkaana falkan yahay daan-daansi laga shaleyn doono.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

