28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xildhibaanada BF oo diiday qiyaanadii Faarax iyo 30 kale oo ku biiray Kutlada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Cayaartii Faarax C/qaadir uu soo dejiyey ee loo dhiibay ra’iisul wasaare Cumar ayaa fashilantay ka hor inta aan xittaa garoonka lasoo gelin, kadib markii ay caddaatay qiyaanadii loo degay xildhibaanada baarlamanka.

Faarax C/Qaadir ayaa dhallinyaro kooxda Damu-Jadiid ka tirsan ku safay xilalkii wasiirada xukuumadda cusub, si barlamanka loo marsiiyo kadiba xubnahaas xilalka looga qaado, laguna beddelo rag ay ka mid yihiin isaga iyo Cabdikraiin Guuleed.

Faarax waxaa booskiisa buuxiyey Fahad Yaasiin oo ay isku beel yihiin, isagana uu wax soo baray, halka xilka Guuleed loo sii dhiibay Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowaa oo madax ka ah machadka SIMAD. Wiilkan kasoo jeeda beesha Saleebaan ee Habar-Gidir waxaa gacanta ku haya Xasan, Guuleed iyo Faarax oo leh machadka SIMAD, waxaana qorshuhu yahay in lagu beddelo Guuleed marka xukuumadda la ansixiyo.

Xilka Cabdullaahi Sambaloolshe ee wasaaradda amniga qaranka ayaa laga reebay golaha wasiirada, waxaana la filayaa in gadaal looga soo daro marka la ansixiyo xukuumadda, sida ay Damu-Jadiid iska dhaadhiciyeen.
Si kastaba, cayaartaas ayaa noqon mid lagu qaldi karo xildhibaanada rug-caddaayaasha siyaasadeed ah ee kasoo horjeeda awood maroorsiga Damu-Jadiid ee labada Kutlad.

Xildhibaan la hadlay Caasimada Online, ayaa xaqiijiyey in ay war cad kasoo saari doonaan dheel-dheesha Villa Somalia, islamarkaana aanay u cuntami doonin wixii ra’iisul wasaare Cumar, oo hadda magac u yaal ah, lagu qasbay.

Xildhibaanka ayaa sheegay inaysan aqbali karin in 15 ka mid ah golaha wasiirada cusub la siiyo kooxda Damu-Jadiid. Shuruudii hore ee xildhibaanada labada Kutlad ayaa waxaa ka mid ahaa in wasiirada loo qeybsado 50-50 marka laga soo tago in 4 wasiir aan meesha lagu soo dari karin.

“Waxaan la yaabanahay caqli xumada nimanka fadhiya Villa Somalia, ee carrurta na mooda” ayuu yiri xildhibaanka.
War kale oo naxdin lehna, 30 xildhibaan oo hor leh ayaa la filayaa inay ku biiraan xildhibaanada kasoo horjeeda kooxda Faarax C/qaadir. Xildhibaanada ayaa ah wasiiradii xukuumadda laga noqday ee xilalkooda iminka waayey, kuwaas oo carro darted durba isku baddalay.

Cayaarta Villa Somalia, ayaan la ogeyn illaa inta ay socon doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News