28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Laba MOOSHIN oo la hor-geeyey BFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari u gudbiyay labo mooshin.

Labada Mooshin ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya loo gudbiyay ayaa ku saabsan Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka Qaranka Soomaaliya iyo Adkeynta Afka Soomaaliga.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo shirguddoominaayay kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xubnaha Baarlamaanka u sheegay in loo soo gudbiyay labo mooshin oo Xildhibaanada ay soo gudbiyeen.

Mooshinka koowaad ayuu ku sheegay inay soo gudbiyeen Xildhibaano gaaraya 12-Xildhibaan, kuwaasi oo dalbanaya in wax ka bedel lagu sameeyo sharciga ku saabsan hanti dhowrka Qaranka Soomaaliya oo maalinta berito ah lagu waday in cod ay u qaadaan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Xildhibaano gaaraya 10 Xildhibaan ayaa iyagana soo gudbiyay Mooshin ku saabsan Adkeynta Afka Soomaaliga, xilli dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu amray in dhamaan xafiisyada dowladda qoraalada kasoo baxo lagu qoro afka Soomaaliga.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay mooshinkaasi, sida uu soo wariyay Wariye ku sugan kulanka Xildhibaanada oo weli Muqdisho ka socda.

Xildhibaanada ayaa ka doodaya aqrinta saddexaad Hindise sharciyeedka ku saabsan doorashooyinka iyo xuduudaha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News