Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Maamulkaasi C/fataax Xasan Afrax uu halkaasi tababar qarsoodi ah uga furay Ciidamo la sheegay inuu isaga gaar u leeyahay islamarkaana aan ka amarqaadan DF Somalia.
Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamadaasi ay kor u dhaafayaan ilaa 300 kuwaasi oo kamadax-banaan kuwa Dowlada Federaalka.
Tababarka ayaa la sheegayaa inay bixinayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ethiopia kuwaasi oo xiriir gaar ah la leh Maamulka Gobolka Hiiraan.
Tababarka ayaa ka socda xarun duleedka ka ah Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale, warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan C/fitaax Afrax uu iska fogeeyay inuu tababar gaar ah u furay Ciidamo isaga u gaar ah.
Gudoomiyaha, ayaa sheegaaya inaanay jirin meel uu geeyo ciidan u gaar ah, isagoo meesha ka saaray inay jirto baahi uu maanta u qabo inuu yeesho ciidan u gaar ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]