25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

“Maamulka Puntland ayaa la wareegay howshii DF Somalia” Waxaa sidaa yiri..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan bulshada Soomaaliyeed ay aad isha ugu hayaan howlaha ka socda gobolada dalka, gaar ahaan Deegaanada Maamulka Puntland, ayaa waxaa arrinkaasi siyaabo kala duwan u dhaliilay Boqolaal Soomaali ku kala nool dalka iyo dibadiisa.

Maxamed C/qaadir Cusmaan oo kamid ah Aqoonyahaanada ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu dhaliilay howlaha loogu talo galay inay qabato DF Somalia oo uu gacanta kula jirto Maamulka Puntlmad.

Aqoonyahaanka ayaa sheegay in dhamaan shaqooyinkii ay qaban laheyd Dowlada hoose xiligaani laga fulinaayo Magaalada Garoowe, waxa uuna tusaale usoo qaatay Shidaalka, qandaraasyada lala galaayo dowladaha shisheeye, Shirarka dhexdhexaadka ah oo mudooyinkaani ka dhacaayay Garoowe, Xarumihii ajaanibta laga furi lahaa Muqdisho oo iminka laga hirgalinaayo Garoowe iyo Xafiisyo ay leedahay QM oo dhawaan halkaasi la geeyay.

Sidoo kale waxaa arrintaasi isna ka hadlay Dr Axmed-nuur Cabdi, waxa uu isaguna dhaliilay qaabka ay DF Somalia uga caga jiideyso inay hanato dhamaan howlaha la xiriira Shirkada iyo booqashooyinka Ajaanibta ee Gobolada dalka gaar ahaan Puntland.

“Waa arrin sumcad daro ku ah DF Somalia in wufuud cadaan ah bilaa amar ay iska booqdan Garoowe iyadoo aan lala socodsiin Dowlada, taasi waxan oran lahaa dowlada wax haka bedesho yaysan isku mashquulin kaliya wixii kasoo dega garoonka aadan cadde”

“Waxad arkeysaa shirkado ajaanib ah oo la leeyahay waxa ay baarayaan shidaal. waxaa jiro hay’ado cadaan ah oo aan xafiisyo aysan la socod dowlada ku leh gobolada dalka, taasi waa ayaan daro heysata dowlada dabcan iyadaa laga sugaa sida ay ka yeeli laheyd”

Dhanka kale, Ifraax Xassan cali oo kamid ah macalimiinta ka shaqeysa Magaalada Muqdisho ayaa dhankeeda aad u dhaliishay Hanaanka ay DF ku maamuleyso dalka, waxa ayna tilmaantay in ka shaqsi ahaan ay u aragto mid sii lumineyso rajadii laga qabay dowlada.

Waxa ay carabka ku dhufatay in DF aysan warba u heyn waxyaabaha qaar ee ka dhacaaya gudaha dalka iyadoona tusaale usoo qaadatay Ajaanib ay wataan shirkado gaar ay u leedahay Soomaali oo aan lala socon dhaqdhaqaaqyadooda.

Ugu dambeyntii aqoonyahaanadaani ayaa si aad u dhaliilay ka warqab la’aanta DF howlihii loogu talo galay inay la socto, waxa ayna dhamaantooda ku baaqen in DF ay xakameyso howlaha aan loogu talo galin inay qabtaan Maamul Goboleedyada oo ay faraha kula jiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News