28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Arag sawiro laga soo qaaday taankiyo & gawaari casri ah oo saaran markabkii lagu qabtay dekedda Berbera dhowaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay qaar kamid ah Gaadiidkii saarnaa Markabkii kusoo xirtay Dekada Berbera ee Maamulka Somaliland.

Maamulka ayaa sheegay in Gaadiidkaani ay weli ku wadaan baaritaano ku aadan xaqiijinta halka laga soo raray iyo shaqsiga uu u rarnaa markabka.

Saraakiisha Ciidamada Militeriga iyo Booliska Maamulkaasi ayaa sheegay in Gaadiidkaani ay yihiin kuwa inta badan ay adeegsadaan wadamada Ruushka iyo Mareykanka waxa ayna garwaaqsan yihiin in Ujeedka uu ahaa in la suuq-galsho.

Taliyihii hore ee Ciidamada Militeriga Maamulka Somaliland ayaa ku baaqay in Hubka iyo gaadiidka loogu tabaruco Hay’adaha Amaanka maamulka.

Dhanka kale, waxa uu soo jeediyay in Maamulka uu fursad u heysto inuu ka faa’iideysto hubkaasi ka hor inta aan la kala qaadin oo uusan ku baahin magaalada.

1 2 3 4 5

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News