27 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

“Caqabadda heysataa DFS waa dharigii fara bataa wuu fuud qaraareeyaa”….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdinaasir Gaarane oo xubin firfircoon ka ah BF Somalia, ayaa waxa uu aad u dhaliilay faragalin lagu hayo Xukuumada cusub ee Somalia.

Xildhibaan Gaarane oo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu sheegay in faragelin weyn lagu hayo dhismaha xukuumadda cusub islamarkaana ay haboonaan laheyd in faraha looga qaado R/W CC si uu u gudbo BF.

Wuxuu sheegay inay doonayaan in meesha laga saaro go’aanada ay Xildhibaanada uga soo horjeedan Xukuumada Cusub, waxa uuna farta ku goday inay wadaan qorsho xal looga gaarayo, waa haddii Madaxweyne Xassan iyo garabkiisa faraha kala baxaan dhismaha Xukuumada.

Sidoo kale, Xildhibaan Gaarane ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha hadii loo daayo go’aanka kaligiis, islamarkaana cidii uu doono keeno in baarlamaanka aanay culeys badan saari lahayn, hase ahaatee ay muuqato xildhibaano iyo rag kel oo uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha howshiisa fara gelin ku sameeyeen.

Gaarane oo si qoto dheer uga hadlaayo arrinkaani ayaa waxa uu yiri “Caqabadda iyo culeyska xukuumadda hayo wey iska muuqataa, mar hadii qaanuunka iyo sharciga dowladda u yaalo laga leexdo, oo dhariga dadkii karin lahaa dad aan ahayn kariyaan oo gacanta lala galo waxa weeye Dharigii fara bataa wuu fuud qaraareeyaa, marka xukuumadda wey fuud qaraareynaysaa, baarlamaanka sidaas ayuu arkayaa ka dibna waxaa la leeyahay war waxaan qaraar naga daadiya”

Waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray Xildhibaanka ” Mushkiladda haysta waxa weeye fara badnida, xildhibaanada markii ay is wareystaan waxay leeyihiin hadii xukuumadda ra’iisul wasaaraha intuu qol lagalo oo loo daayo isaga ciddii uu rabo ha keenee anaga maba haysano waan sii deyneynaa, mushkiladda inaan anaga suulino rabno ayaa ah in la fara geliyo dhismaha xukuumadda”

Xildhibaanka ayaa ku celcelshay in hadii dan laga leeyahay Xukuumada Cusub laga dhaafo faragalinta islamarkaana loo madax baneeyo Ra’isul wasaaraha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News