26.9 C
Mogadishu
Monday, February 9, 2026

R/W CCC oo qiray inuu ku dhex dhacay siyaasad cakirneyd oo jah-wareerisay!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa qiray inuu dhexda kasoo galay xaalad siyaasadeed iyo khillaaf taagnaa oo ka dhexjiray baarlamaanka iyo madaxda sare ee dalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in mar walbaa uu sameeyay dadaal ku aadan sidii loo heli lahaa xasilooni siyaasadeed si dalka horumar loo gaarsiiyo, wuxuuna kalsooni ka muujiyay in la meel marin doono xukuumadiisa cusub.

“Runtii waa ogsoon tihiin xaalad khilaaf siyaaseed ayaa jiray oo aan dhaxlay, ahmiyadana waxaan siinayay sidii xasilooni siyaaseed loo heli lahaa, mar walbana horumarka looga fakari lahaa”sidaasi ayuu yiri ra’iisul wasaare Sharma’arke.

Wuxuu qiray inay jiraan caqabado badan oo ay kamid yihiin mucaaradka ugu weyn ee uu kala kulmayo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, laakiin isaga iyo gudoomiyaha baarlamaanka ay wadaan sidii loo dhameyn lahaa.

“Caqabado badan ayaa jira oo ah dadka naga soo horjeeda, laakiin aniga madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa dadaalo wadna oo waxaa muhiim ah in danta dalka la fiiriyo”ayuu yiri Mr Sharma’arke.

Maalintii shalay ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxaa la siiyay fursad 10 maalin oo dheeri ah si uu usoo dhameystiro golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, iyadoo kadib baarlamaanka la horgeyn doono si loo ansixiyo.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News