Muqdisho (Caasimada Online) – Professor Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu rajo wanaagsan ka qabo in wasiirada cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay wax badan ka qaban doonaan xaaladda guud ee dalka.
Waxa uu sheegay Professor-ka in hadda wasiiradaan ay yihiin kuwo aqoontoodu sareyso, islamarkaana hamigooda uu yahay in dalka ay wax u qabtaan, isaga oo sidoo kale ku sifeeyay wasiiradaan kuwo aan dalka dambi ka galin.
“Dhalinyaradaan waxay ila muuqdaan in ay yihiin dad la aamini karo, dad aan aragnay meelaha ay joogaan, umadda ay u shaqeeyaan waxa ay ka yihiin una leh karti aqooneed, waxa kale oo aan raadinayno maba ogi, sifada kale ee muhiimka waxa ay tahay xaalad adag ayuu dalka ku jiraa waxa uu u baahan yahay dad ka nadiif ah waxyaabihii dalka ka dhacaayay ee Qabyaaladii is dilkii, is ixtiraam la’aantii, dadkaanna waa ka nadiif arimahaan oo dhan 98%” ayuu yiri Professor Yaxye Cali Ibraahim.
Dhanka kale Yaxye Cali Ibraahim ayaa rajo ka muujiyay in Baarlamaanka aanu diidi doonin wasiirada cusub marka la gaaro codka kalsooni siintooda, isaga oo sheegay in xubnaha wasiirada ah ay yihiin kuwo aan shaqo ku lahayn khilaaf siyaasadeedka xilligaan jira.
Xildhibaanada Baarlamaanka waxa ay maalintii shalay ahayd 10 cisho ah ugu dareen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid si uu usoo dhameystiro golahiisa wasiirada cusub.
Halkaan Hoose ka dhageyso.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

