Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay Habeenimadii xalay Weerar qorsheysnaa ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Booliska ku lee yihiin xaafada Baalabe.
Weerarka ayaa waxaa geystay Ragg ku hubeysnaa hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa si gaadmo leh u weeraray Saldhigaasi, waxayna dagaal toos ah ay la galeen Ciidamada Booliska ee Saldhiga Baalabe.
Wararku waxa ay sheegayaan in Ragga weerarka soo qaaday, ay saldhiga ku gubeen mid ka mid ah gawaarida Ciidamada Booliska, iyadoo gaariga la gubay uu yaalay afaafka hore ee Saldhigaasi.
Goobjoogayaal, ayaa waxay xaqiijiyeen in weerarkaasi uu soconaayay muddo 30 ilaa 40 daqiiqadood u dhaxeyso, waxaana lagu soo beegay, xilli inta badan ay dadku ku jireen guryahooda.
Dhanka kale, Dadka degan xaafada Baalabe, ayaa soo sheegaaya in ragii weerarka soo qaaday ay dib u baneeyeen halkaasi, ka gadaal markii askar fara badan ay gurmad ahaan u soo gaareen xeendaabka Saldhiga.
Taliska Booliska wax war ah kama aanu soo saarin weerarkaasi, waxaase la filayaa in saacadaha soo socdo ay ka hadlaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

