C/W Gaas oo ku wajahan Muqdisho iyo Xasan Sheekh oo wada qorshe ah in..

Garoowe (Caasimada Online) – Warar goor dhow nasoo gaaray, ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas uu ku wajahan yahay magaalada Muqdisho maalinta berri ah.

Ma cada safarkaan iyo waxa uu ku wajahan yahay balse wararka la helayo ayaa sheegaya in sadexda maamul goboleed [Puntland, Jubaland Koonfur Galbeed] casumaad ka heleen Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.

Kulanka madaxweynayaasha maamuladaan iyo dowlada Federaalka ayaa waxaa riixaya beesha caalamka oo goob joog ahaan doonta iyadoo qodobka ugu weyn ee looga hadlayo lagu sheegey sidii loo dhisi lahaa ciidamada qaranka Somalia.

Xukuumada Cabdiweli Cali Gaas ayaa sida la rumeysan yahay la kufaa kaceysa mushahar siinta ciidamada Puntland kuwaasoo cabashooyin sameynayey bilihii lasoo dhaafey, waxaana uu doonayaa in ciidanka Puntland lagu magacaabo ciidan qaran, si dowladda federaalka ay mushahar usiiso..

Madaxweynaha Puntland ayaa kulamo uu la qaatey xubno ka tirsan beesha caalamka mamalmihii lasoo dhaafey ayaa ka codsadey in laga tageero mushahar siinta ciidamada.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegay in Gaas inta uu jooga magaalada Muqdishu madaxda dowlada Federaalka kala hadli doono arrimaha khuseeya shidaalka oo muran xoogani ka taagan yahay, kadib markii ay DF xanibtay heshiisyadii shidaal ee maamulkaas.

Caasimada Online
Xafiiska  Garoowe
Caasimada@live.com