32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

“DFS kama faa’iideysaneyso fursadda ay beesha caalamka siineyso Somalia”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo siyaabo kala duwan mudooyinkaani loo dhaliilaayay Siyaasada Somalia, ayaa waxaa sidoo kale dhaliil ceynkaasi ah jeediyay Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo kamid ah Siyaasiyiinta ugu caansan dalka.

Buubaa, ayaa sheegay in wadamada Caalamka ay si gaar ah u daneynayaan Arrimaha Somalia, balse aysan muuqan dadaal ay DF Somalia uga faa’iideysaneyso Arrimahaasi oo idil.

Siyaasiga oo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Caalamka waxa uu u arkaa in wadankani yahay muhiim caalamkana kaga yaallo meel muhiim ah, dowlado badan ayaa danahooda u arkay in saaxadda siyaasadeed ee dalka aanay ka maqnaan”

Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay inay muuqaneyso duruufo muujinaayo in Somalia aysan la soo laaban karin Siyaasadihii looga bartay, gaar ahaan hanashada iyo la dhaqanka Caalamka intiisa kale.

Waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho weli amaankeedu aanu ahayn heerkii laga sugaayay, sidaa darteedna ay keentay in safaarado badan ay cabasho ka muujiyaan wasaarado badan oo la shaqeeya in aysan arkin si dalka ay wax ugu taraan.

Waxa uu mar kale yiri “Safaarado badan ayaa aad uga cabanaya in aanay helin wasaarado la shaqeeya si ay wadanka wax ugu taraan, mushkiladda na haysata waa mid gudaha ah, caalamka waa inoo diyaar laakiin su’aasha waxay tahay Soomaali diyaar ma u tahay in ay wadankeeda hagaajisato” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Ismaaciil Hurre Buubaa.

Dhanka kale, waxa uu rajo ka muujiyay in DF Somalia ay ku filan tahay kaliya haddii ay kasbato Safiirada caalamka ka jooga dalka Somalia, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ay ku yaalan Safaaradaha ugu badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News