32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Goorta WASIIRADA horgeynayo BF oo la shaaciyay iyo R/W CCC oo wada…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – DF Somaliya, ayaa Qaramada Midoobe u sheegtay in maalinta Isniinta ah ee soo socoto Golaha Wasiirada cusub la hor gayn doono Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia.

Danjiraha Somalia ee Qaramada Midoobe Amb. Cawaale Cali Kulane, oo shalay Magaalada New York kaga qaybgalay shirkii QM, ayaa wuxuu ka sheegay in 9-ka bishaan Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub, ay codka kalsoonida weydiisan doonto BF Somalia.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in DF Somalia ay ka go’an tahay inay dalka ku hagto hiigsiga sanadka 2016-ka, kolka Baarlamaanka Somaliya uu codka kalsoonida siiyo Golaha Wasiirada.

Danjire Kulane, ayaa qaba in Somaliya ay ka gudbi doonto caqabadaha siyaasadeed ee dalka ragaadiyay, kuwaa oo sida ku cad dib u dhac ballaaran ku keenay Hay’adihii Dowladda.

Ban Ki-moon, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe waxa uu shirkaasi ka sheegay hardanka siyaasadeed ee Somaliya ka jira, inuu hakiyay hawlihii shaqo ee Dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News