Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay ay Magaalada Muqdisho soo gaaren Hogaamiyayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed, ayaa waxaa booqashadooda ka hadlay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah BF Somalia.
Xildhibaan Daahir Amiin, ayaa sheegay in Somalia ay ka dhaqaaqi la’ dahay Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas, waxa uuna sheegay in Ujeedka imaanshahooda Magaalada Muqdisho uu yahay inay carqaladeeyaan Siyaasada dalka, gaar ahaan tan Xukuumada.
Xildhibaank ayaa sheegay in imaanshahooda ka hor ay la yaabanaayen qalqal galinta ay ku hayeen Siyaasada dalka, hadana ay sii laba jibaarayaan, haddii ay kusii nagaadan Magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu tilmaamay in durbaba ay faragalin ku bilaabeen qaab dhismeedka Xukuumada Cusub ee Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, balse waxa uu taasi ku micneeyay mid aan suuragal noqon doonin.
Daahir Amiin Jeesow oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Wey muuqataa in imaanshaha Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas uu yahay mid ku saleysan carqaladeynta dhismaha Xukuumada cusub, marnaba suuragal manoqon doonto inaan ka aamusno faragalinta ay wadaan”
Dhanka kale, Xildhibaan Jeesoow, ayaa intaasi hadalkiisa ku daray in hadii ay yihiin BF Somalia aysan aqbali doonin in shaqsiyaad Gobolada laga soo daabulay ay hagaan Nidaamka dalka, islamarkaana aysan yeeli doonin in faragalin lagu sameeyo Xukuumada Cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

