27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Gaas oo 2 arrin oo uu kala kulmay Xasan kala tashtay Cabdi Weli Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/weli Sheekh Axmed.

Kulanka C/weli Gaas iyo C/weli Sheekh Axmed, ayaa ahaa mid qaatay ugu yaraan Saacad, iyadoona Gaas uu kala tashanaayay C/weli laba qodob oo uu kusoo hadal qaaday Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo kala ah, Abuurida kalsoonida DF iyo Maamulada iyo in la mideeyo Ciidamada DF iyo kuwa Puntland.

Gaas ayaa waxa uu C/weli Sheekh u sheegay in Madaxweyne Xasan uu ka codsaday inay isla meeldhigaan labadaasi qodob islamarkaana uu ka soo tashto, si meesha looga saaro shucaaca u dhexeeya DF iyo Maamulka Puntland.

Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/weli Sheekh Axmed, ayaa aad usoo dhaweeyay go’aankaasi inkastoo uu talada gacanta u saaray Gaas oo isagu mudooyinkaani dambe ku kacsanaa Siyaasada Somalia, gaar ahaan tan Xasan Sheekh.

C/weli Sheekh Axmed ayaa Gaas u sheegay in muhiimadu ay tahay in laga shaqeeyo isu imaatanka Somalia iyo in xuquuq gaar ah meel loo saaro Ciidamada iyo Xubnaha maamulka Puntland.

Sidoo kale, C/weli Sheekh Axmed, ayaa Gaas ku dhiiragaliyay inuu ka faa’iideysto fursadahaasi, islamarkaana inta uusan qaadan go’aan, la tashiyo kala sameeyo labada Gole ee Maamulka.

Madaxweyne Gaas oo u muuqda inuu ka faa’iideysanaayo dhamaan fursadahaasi ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu kala soo tashto Xubnaha hoos yimaada Maamulkiisa gaar ahaan labada gole.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News