Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa xaqiijiyay in R/W CC uu wado qorsho uu kula kulmaayo Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed.
Ilo wareedka ayaa sheegaya in kulankaasi uu R/W CC ula gol leeyahay sidii Odayaasha Beelaha Soomaaliyeed looga dhaadhicin lahaa Xukuumada cusub, islamarkaana ay u dhiira galin lahaayen Xildhibaanada u matala BF Somalia.
R/W CC oo iminka soo dhameystiray xukuumadiisa, ayaa si gaar ah u daneynaayo inuu la shooro Odayaasha si aysan u dhicin ka hor imaansho lagu sameeyo Xukuumadiisa curdunka ah, waxaana jiro kulamo gogol xaar u ah kulankaasi oo ka dhaca Xafiiskiisa.
Warar hoose ayaa sheegaya in R/W CC uu xiligaani garab ka heysto dhanka Odayaasha beelaha, markii laga reebo tiro beelo oo aan iyagu weli ku qanacsaneyn qaab dhismeedka Xukuumada Cusub.
Kulanka R/W CC iyo Odayaasha ayaa la filayaa inuu ka qabsoomo Aqalka dalka looga arrimiyo, iyadoona ay goobjoog ka ahaan doonaan xubnaha xukuumada cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

