Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Xukumadda Cusub ee Cumar C/rashiid Cali Sharmaake Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka wasiir kuxigeen ee loo magacaabay.
Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi wasiirka wasaaradda gaashaandhigga oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in uu warqada iscasilaada u gudbiyay mdaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Sharma’arke.
Wasiirka ayaa sheegay in xilkaan markii loo magacaabayay aan lagala tashay islamarkaana ay og yihiin Beeshiisa iyo Xildhibaanada Baarlamaanka beeshiisa u Matala.
Waa Wasiirkii koowaad oo Xukumadda Sharma’arke iska Casila,horay waxaa Xilka iska Casilay Fahad Yaasiin Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda,inkastoo Wasiir kale lagu badalay Booskaasi.
Waxaana wali aan golaha baarlamaanka la horgeyn golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya oo uu dhawaan soo dhisay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

