28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Muxuu XASAN Sheekh ka yiri kullankii uu la qaatay madaxda 3da m/goboleed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa meesha ka saaray in cid gaar ah ay ka qaybgeleyso shirarka looga hadlaayo aayaha dalka Somaliya.
“Cid kasta ayaa ka qaybgeli doonto wada tashiyada looga arrinsanaayo aayaha dalka, ma jirto cid gaar ah oo ka hadli doonto mustaqbalka dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa soo jeediyay in laga wada shaqeeyo sidii dalka uu ula tartami lahaa dalalka dunida, iyadoo laga gudbaayo caqabadaha hor gudbin dalka.

“In laga wada shaqeeyo sidii uu dalkan caalamka ula tartami lahaa, isla markaana looga gudbi lahaa caqabad kasta oo ka hor imaan karta horumarka dalka.” Ayuu yiri Madaxwenaha.

Madaxweynaha, ayaa mid bilow ah ku sheegay shirkii toddobaadkii hore uu Magaalada Muqdisho kula yeeshay Madaxda Maamul Goboleedyada Puntlad, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

“Shirkan waa kii ugu horeeyay, waxaan rajeynayaa in shirarka labaad ay imaan doonan inta ka maqan, halka kan saddexaad uu noqon doono mid ay dhammaan ka wada soo qaybgelaan oo aan la dhihi doonin cid gaar ah ayaa ka maqan shirka.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Madaxweynuhu wuxuu ku soo aadayaa, xilli Maamulka Galmudug uu si xoogan u qaadacay in cid gaar ah, ay Dowladda Somaliya kala hadasho mustaqbalka dalka iyo dadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News