28.5 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

“Taliyaha Nabad-sugidda ayaa weerar ku qaaday mas’uuliyiin DFS ka tirsan”..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Nuuraani Bakar oo xubin ka ah BF Somalia ayaa sheegay in Degmada Baraawe ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo DF Somalia looga baahan yahay inay wax kaqabato.

Waxa uu xildhibaanka sheegay in gudaha Magaalada dhowr jeer lagu weeraray Mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia, taasina ay ka turjumeyso amaan darida ka jirto Degmada Baraawe.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in maalmo ka hor Degmada lagu weeraray Mas’uuliyiin ka tirsanaa DF Somalia, kuwaasi oo lagu rasaaseeyay Hotel ay degnaayen.

Xildhibaanka oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Degmada Baraawe waxaa ka dhacay arimo aad u fool xun, gudoomiyahii Baraawe, mas’uulkii Nabad sugidda ee degmada iyo sidoo kale ninka dhinaca caafimaadka qaabilsan oo dhawaan halkaasi gaaray waxaa lagu weeraray hoteelkii ay ku degeen, waxaana weerarka geestay Nin qolyaha amaanka ka tirsan”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ” Weerarka waxaa qaaday nin Nabad sugidda Baraawe ku xigeen ahaan meesha ku joogay, AMISOM ayaa timid ragii ayeey dhex galeen, hadda kahorna weynu sheegnay in shaqsigaan Nabadda sugidda Meesha u jooga uu dhibaato halkaasi ka hayo, taliyahii Nabad sugidda waan gaarsiinnay, hadii aan deg deg wax looga qabanna wax badan ayaa dhici kara”

Waxa uu Maxamed Nuuraani Bakar sheegay in Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar looga baahan yahay inay wax ka qabtaan Xaaladaha ka taagan Degmada Baraawe, waxa uuna carabka ku dhuftay hadii aan arrintaasi wax laga qaban ay ka dhalan doonto caqabad kale.

Dhanka kale, waxaan eedeyntaasi weli ka hadal Taliyaha Nabad sugidda ee degmada Baraawe maadaama lagu eedeeyay inuu weeraray Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka oo ku sugnaa Hotel ku yaalla Degmada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News