Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaal ka socda qeybo kamid ah Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Dagaalka oo u dhexeeyo Maleeshiyo beeleed wada degan xaafadda Howlwadaag, ayaa la sheegayaa inuu weli socdo, islamarkaana ay dhinacyadaasi isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka oo bilowday aroornimadii Saakay oo weli socda ayaa waxaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay Khasaaro kala duwan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka isbitaalka Baladweyne.
Axmed Maxamed Khaliif oo ah Agaasimaha Isbitaalka Guud ee magaalada Baladweyne, ayaa warbaahinta u sheegay in dhaawaca iyo dhimashada uu kor u dhaafayo ilaa 19 isugu jira dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyo.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa sheegay inay wadaan gurmad ay ugu gargaarayaan dhaawacyada yaala goobaha uu dagaalka ka socdo.
Dhanka kale, waxaa weli socda dagaalka, waxaana jira dadaalo ay wadaan Odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobalka Hiiraan taasi oo ku aadan sidii loo joojin lahaa dagaalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

