28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Dagaal lagu hoobtay oo iminka socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa saaka dib u bilowday dagaal u dhaxeeya labo beeleed oo wada daga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaasi oo soo bilowday maalintii shalay.

Dagaalka maanta oo bilowday salaadii subax kadib ayaa la sheegayaa inuu sababay dhaawaca labo ruux oo ka tirsan dhinacyada dagaalamaya kuwaasi oo la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Beledweyne.

Wariyaha Caasimada Online ee Hiiraan ayaa soo sheegaya in dhawaqa rasaasta labada dhinac ay adeegsanayaan laga maqlayo xaafadaha magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana uu sheegayaa in laga baqayo in xaalada ay ka darto.

Waxaa xiran dhamaan wadooyinka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana wali socda dagaalka saaka ka bilowday magaalada Beledweyne.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaanan ku guuleysan shalay inay joojiyaan dagaalka ka dhacaya magaalada Beledweyne, waxaana socda dadaalo arintaasi ku aadan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada iyo kan gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News