Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa waxa ay tababar dhanka xog u ruurinta ku saabsan u furtay Tiro ka tirsan Ciidamada Booliska Somalia.
Tirada Ciidamada ee Tababarkaasi loo furay ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 50 askari oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Ciidammadan tababarka qaadanaya waxaa la sheegay inay isagu jiraan boolis cusub iyo kuwo horay uga soo shaqeeyay gobollada dalka,Waxuuna u furmay tababarka Arbacadii lasoo dhaafay sida ay shaacisay AMISOM.
Sargaal sare oo u hadlay Ciidamada AMISOM gaar ahaa kuwa wada tababarada ayaa waxa uu yiri “Furitaanka tababarkan iyo qorista ciidamada waxaa goobjoog ka ahaa Col. C/rashiid Aadan oo ah taliyaha dugsiga tababarka booliiska Soomaaliya ee Jen. Kaahiye, waxaa kaloo goobta ku sugnaa saraakiil kale oo ka kala socday booliiska Soomaaliya iyo kuwa booliiska Midowga Afrika,”
Sidoo kale waxa uu Sargaalkaasi sheegay inay wadaan qorshe dib loogu dhisayo awooda ciidamka booliska Soomaaliyeed,Waxaana qorista ciidamada cusub ee booliiska Soomaaliya oo isugu jira rag iyo dumar qayb ka tahay horumarinta ciidamada Qaranka Soomaaliya.
Furitaanka tababarka iyo qorista ciidamada cusub ee booliiska Soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha booliiska AMISOM oo sheegay inay rajeynayaan in tababarkan uu ku dhammaado guul.
Dhanka kale, Tababarkaani ayaa la filayaa inuu socon doono muddo kooban iyadoona tiro kale loo bilaabi doono goortii uu usoo gabagaboobo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho


