28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

XILDHIBAANNO ku dhowaaqay go’aan adag oo kullanka berri jahwareerin kara

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xildhibaanada BF Somalia, gaar ahaan kuwa ku bahoobay Kutlooyinka ayaa shaaca ka qaadey in maalinta bari ah uusan kulanka shir gudoomin karin Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanada oo iminka kulamo kala duwan ku kala qaadanaayo Hoteelada ugu caansan Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay uga hadlayaan kulankooda Mooshin ay manta ka keeneen Jaawti, kaasi oo ah in Gudoomiyaha uusan shir gudoomin Karin kulanka Bari

Nuqul kamid ah Mooshinka ay ka gudbiyeen Xildhibaanada Gudoomiyaha BF ayaa waxa uu u qornaa “Mudane Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iyo 2-aad iyo Mudanayaal, annagoo ah Xildhibaanada Magacyadooda iyo Saxiixyadooda uu qoraalkeena ku lifaaqan yahay waxaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federalka Somalia Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ka keenay mooshin ku kalsoonaan la’aanta shir guddoonka Golaha Shacabka ee uu nooga ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka JFS sababo jiro awgeed, waxaana halkaani ku cadeyneynaa inaan maalinta bari ah ku kalsooneyn in Gudoomiyaha uu shir gudoomiyo kulanka’’

Xildhibaanadaani, ayaa waxa ay Gudoomiyaha ku eedeeyeen tixgalin la’aan aragtidooda, waxa ayna warqadaha Mooshinkooda ku lifaaqeen in Jawaari uusan aheyn Mas’uul matali kara BF, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale, Xildhibaanada ayaa waxa ay Jawaari ku eedeeyen inuusan dan gaar ah ka laheyn kala fogaanshaha Baarlamaanka Somalia iyo tixgalin la’aantooda oo sii kordheyso.

Xildhibaanada ayaa Gudoomiye xigeenada BF ka codsaday in Jawaari aan Maalinta bari ah uusan shir Gudoomin kulanka, iyagoona ku goodiyay inay Hoolka ka sameyn doonaan Arrimo caqabad ku ah shirka waa haddii ay yiraahdeen uu Jawaari hogaamiyo.

Arrintaani ayaa waxa ay muujineysaa in Gudoomiyaha BF Somalia uusan raali ku aheyn go’aanka Xildhibaanada, waxa ayna Caqabad u keeni kartaa kalsoonida Jawaari ee BF.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News