27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Aqriso: Khudbaddii R/W Cumar ee BFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xildhibaanada Baarlamaanka waxa uu ka horjeediyay hadal kooban oo uu kaga dalbanayay xildhibaanada in ay codka kalsoonida ah siiyaan Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay.

“Gudoomiyaha, xildhibaanada Sharafta, marti sharafta kale, mudanayaal iyo marwooyin, waxaan idin ku salaamayaa Salaanta Islaamka Assalaamu Calaykum, waxaan rabaa Fursadaan inaan uga faa’ideysto Marka hore oo halkaan uga tacsiyeeyo Xildhibaankii maanta xagga Alle laga Oofsaday Cabdullaahi Qayaad Barre iyo Nin xildhibaan hore ahaan jiray oo maanta nala soo gaarsiiyay geeridiisa Muuse Nuur Amiin Wasiirna ahaan jiray, marka Janadii Raxmaan Allaha Ka waraabiyo Labadaba Dambi Dhaaf Allaha siiyo, waxaan rabaa mar  kale inaan idiin kaga mahad celiyo ansixintii aad i ansixiseen iyo waqtigii aad ii kordhiseen ee ahaa inaan soo dhameystiro xukuumadda”

“Xukuumadaan aan soo dhisay waxay ila tahay waa loo dhan yahay, qeybaha kala duwan ee Bulshada, Shacabka iyo deegaanada Soomaaliyeed waxaan rabaa in maanta aan ila wadaago xubnihii aan soo magacaabay iyo barnaamijka xukuumadda, Sadankaan 2015 waxaa na horyaalla howlo aad u baaxad leh, howlahaasi waxa nalooga baahan yahay in aad dar dargelinno idinka oo aan idin kaashaneyno Insha Allah”

“Waxyaabaha ugu muhiimsan ee hadda xukuumadaan awooda ay siin doonto waxa ay tahay in la adkeeyo amniga, in la dar dar geliyo dib u heshiin taam ah oo ka hirgasha dalka oo dhan, in la xaqiijiyo sidii loo heli lahaa hadafka hiigsiga 2016, in la hor mariyo cadaaladda, in la kordhiyo adeega bulshada, in runtii la kobciyo kaabayaasha dhaqaale iyo kor u qaadista daqliga umadeed, iyo in la tayeeyo hay’adaha dowladda dhexe, islamarkaana dowlad wanaag loo kaco, xukuumadda waxay dhiiragelin doontaa wadatashi wada shaqeyn joogta ah oo dhexmara madaxda dalka heer Federaal iyo heer dowlad gobaleed iyadoo mar walba la eegayo danta guud ee dalka iyo dadka loo hayo, sidaa awgeed waxaan xildhibaanada sharaf leh aan ka codsanayaa waqtiga aan ku jirno iyaga oo eegaya in maanta xukuumadda aan keennay ay codka siiyaan si qadarin leh iyada oo ay ku jirto idinka oo tixgelinaya waxyaabo badan”

“Waqti waxaan joognaa Insha Allah howlo badan ay na horyaalaan, marka waxaan rabnaa barnaamijka xukuumadeed inaan ugu yeero Cabdiraxmaan Caynte oo halkaan ka akhriyo isaga, anna waxaan rabaa in aan codkeyga xoojiyo oo aan idinka codsanno in codka aad nasiisaan, waad mahadsantihiin”

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaasi kusoo gaba gabeeyay hadalkii maanta uu kahor jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Isha Goobjoog

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News