28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog xasaasi ah: Qaabkii loo shirqoolay dilkii xildhibaan Cabdullaahi QAYAAD!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulaahi Qayaad Barre oo kamid ahaa xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta lagu dilay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir xili uu ku sugnaa isgoyska Ceel-gaab.

Xogo badan ayaa kasoo baxaya qaabka loo shirqoolay xildhibaanka oo xiligaasi doonayay inuu aado golaha shacabka si uu kaga qeyb galo  ansixintii golaha wasiirada Soomaaliya.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in xildhibaanka uu isgoyska ku balamiyay nin ay qaraabo ahaayeen xaaska uu qabay xildhibaanka oo ku sugnaa isgoyska Ceelgaab ee degmada Xamar Jajab.

Ruuxa balamiyay ayaa la sheegay in markii xildhibaanka tagay goobta balanta uu ku amray wadaha gaariga inuu banaanka ku sugo si ay u sheekeystaan isaga iyo xildhibaanka, sidaasi waxaa aqbalay darawalkii xildhibaanka.

Intaasi kadib ayaa waxaa goobta yimid labo ruux oo watay gaari NOAH ah kadibna ay ku dileen  xildhibaanka, waxaana qeybta dambe ee gaariga kasoo baxay ruuxii balamiyay xildhibaanka oo waxba aysan gaarin.

Xildhibaanka ayaa ku jiray qeybta hore ee gaariga halka ruux kale uu ku jiray qeybta dambe gaari Marked ah oo uu watay xildhibaanka, iyadoo kaligiis lagu dhex dilay gaarigiisa, waxaana kadib goobta ka baxsaday dadkii wax dilay iyo ruuxii balamiyay.

Kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo nabad sugida dowlada ka tirsan kuwaasi oo xiray darawalkii gaariga xildhibaanka iyo labo ruux oo meesha aan ka fogeyn, waxaana xogtaasi bixiyay wadaha gaariga oo hayada nabad sugida su’aalo weydiisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News