Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu xusul duub adag ugu jiro sida Madaxweynaha Gobolada Dhexe looga dhigi lahaa Wasiirkii hore ee Amniga DF Somalia C/kariin Xuseen Guulleed.
Ilo wareedka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu arrintaasi usoo bandhigay Siyaasiyiin, Odayaal iyo Waxgarad kasoo jeeda Goboladaasi waxa uuna ka codsaday inay ku taageeraan sida uu xilka Madaxweyninimo loogu dhiibi lahaa C/kariin Guulleed.
Sidoo kale, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye oo ah Gudoomiyaha Saddexda Gole ee Ahlu Sunna Wal Jameeca oo ka hadlaayay arrintaasi ayaa sheegay in Madaxweynaha uu damacsan yahay in xilkaasi madaxtinimo uu u dhiibo C/kariin Guulleed, waxa uuna carabka ku dhuftay in garab ahaan aysan u hogaansami doonin haddii Madaxweynaha uu ka dhabeeyo qorshaha uu iminka wado.
Wuxuu sheegay inuu kasoo horjeedo in xubno laga keenay Madaxtooyada Somalia, ay Madaxweyne ka noqdaan Gobolada Dhexe.
‘’Shacabka Gobolada Dhexe diyaar uma aha in Xubin laga keenay Villa Somalia madaxweyne looga dhigo, ma filaayo in Xassan Sheekh uu shacabka ku qancin doono in Guulleed looga dhigo madaxweyne dhowrsan’’
Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan, waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha DF Somalia uu doonaayo in Gobolada Dhexe uu ka dhigo Xafiis ka tirsan Madaxtooyada Somalia, kadibna ay saaxiib u noqdaan is qabqabsi iyo nin jecleeysi, taasina ay kasoo horjeedan.
Haddalka Sheekh Ibraahin ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo dhowr bil ka hor ay Siyaasiyiin Gobolada Dhexe ka soo jeeda ka biyo diideen in Guuleed uu noqdo Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe.
Dhanka kale, waxaa sii kordhaayo Siyaasiyiinta, Odayaasha iyo waxgaradka kasoo horjeeda in Madaxweynaha Gobolada Dhexe ee Somalia Hogaamiye looga dhigo C/kariin Xuseen Guulleed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

