30.3 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Dhageyso: Cirfo oo si kulul uga hadlay dagaalka Guri-Ceel, isagoo weeraray…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuuso-Mareeb (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobalka Gal-gaduud ee dowladda Soomaaliya Xuseen Wehliye Cirfo ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay degmada Guriceel ee gobalkaasi aanay wax shaqo ah ku lahayn ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca.

Waxa uu tilmaamay in koox gaar ah oo sheeganaysa magaca Ahlu-sunna ay soo weerareen degmada Guriceel, hase ahaatee aanay jirin dagaal ay la galayaan ciidankii Ahlu-sunna ee gobalka Gal-gaduud.

“Meesha waxaa soo weeraray Koox sheeganaysa magaca Ahlu-sunna, Ahlu-sunadii xooga weyneed, tira badneed shacabka ka koobneyd, Odayaal lahayd culimo lahayd wey joogaan gobalkaan, dagaalkana kuma jiraan, nimankaan Ahlu-sunada sheeganaya waa dad kooban oo dhinac uga leexday Ahlu-sunnadaas” ayuu yiri gudoomiye Cirfo

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in hadda uu socdo wada hadal ay wadaan Odayaal dhaqameed ka tagay degmada Dhuusa Mareeb, si loo helo xalka degmada Guriceel.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlu-sunna ayaa ku dagaalamay degmada Guriceel ee gobalka Gal-gaduud, waxaana dagaalkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News