Internetka oo xilli dhow lagu ogaanayo xaaladda caafimaad ee wadnahaaga

In shabakadda internet-ka lagu xiro qof wadnihiisa ayaa goor dhow noqon doonta arrin dhab ah ka dib markii ay dhaqaatiirtu soo saareen qalab wadnaha qofka lagula xirayo WiFi si loo ogaado xaaladdiisa taam ahaanshiyo.

Reveal Linq Monitor, waa qalab jooga 2 kun oo ginni, waana qalab yar oo la gelinayo maqaarka meel ku dhow wadnaha si loo helo jawaabta xaaladda caafimaad ee wadnahaaga.

Waxaa uu qalabkaani awood u leeyahay in laga daalacdo wadnaha ka hor inta uusan akhbaarta uu uruuriyey u dirin dhaqaaqiirta iyadoo la isticmaalayo WiFi, waxaana haatan loo istcimaalayaa masrixiyad caafimaad.

Qalabka sarre oo kaa caawin doona inaad internet-ka ku hubiso xaaladda caafimaad ee wadnahaaga
Qalabka sarre oo kaa caawin doona inaad internet-ka ku hubiso xaaladda caafimaad ee wadnahaaga

Waxaa la rajeynayaa inuu qalabkaani noqdo mid muhiim ah oo ay isticmaalaan dadka bukaan socodka ah dhammaadka sannadkaan 2015ka maadaama ay tahay fikrad sahlan.

Doreen Van Der Vliet, oo 77 sanno jir ah, ayaa noqday qofkii seddaxaad ee British ah ee isticmaalay qalabkaan ka dib markii uu wadne xanuun ku dhacay isaga bishii January 2014kii.

Qalabkaan ayaa awood u leh inuu ku siiyo warbixin la xiriirta xaaladda caafimaad ee wadnahaada muddo 46 ilbiriqsi gudahood ah.

Halkaan ayaa waxaad ka arki kartaa waxyaabo kuu sharaxaya sida uu qalabkaani u shaqeynayo
Halkaan ayaa waxaad ka arki kartaa waxyaabo kuu sharaxaya sida uu qalabkaani u shaqeynayo