Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Qanyare Afrax oo kamid ahaa Hogaamiyayaashii hore ee ka arimin jiray Magaalada Muqdisho,ayaa markii ugu horeysay dhaliilay qaabka uu Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid u qeybiyay Wasiirada cusub ee Xukuumadiisa.
Qanyare oo ka hadlaayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho,ayaa gaashaanka ku dhuftay in Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid usan si cadaalad ah u qeybin xukuumada isagoona si gaar ah farta ugu fiiqay xubnaha laga siiyay Beesha Hawiye.
Waxa uu sheegay in Ra’isul wasaaraha usan si cadaalad ah ugu qeybin wasiirada Beesha Hawiye, waxa uuna meesha ka saaray in Xukuumada cusub ay tahay mid ku dhisan Cadaalad.
Wuxuu sheegay in Beesha Karanle ‘’Murusade’’ ay xukuumada ku leedahay Laba wasiir iyo ku-xigeeno, balse aysan taasi dhicin.
Qanyare waxa uu tilmaamay in Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Murusade ugu jira DF Somalia ay la xisaabtamaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha si ay u helaan libinta ay ku dhex leeyihiin Beelaha xilalka wasiirnimo loogu roonaaday.
Sidoo kale, Maxamed Qanyare, ayaa carabka ku dhuftay in Beesha Murusade ay tirsaneyso cadaalad dari taasina ay tahay mid aan DF Somalia iska xil saarin sinaanta iyo Cadaalad wanaaga.
Dhanka kale, Qanyare ayaa Dowlada Federaalka ah ee Somalia ugu baaqay in dadka ay si cadaalad ah wax ugu qeybiso, haddii aysan taasi awoodina ay Beelaha u cadeyso mowqifkeeda Siyaasadeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho