Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen wadaad caan ahaa oo ku sugnaa magaalada Baydhabo.
Dilka ayaa ka dambeeyay kadib markii kooxo hubeysan ay wadaadka ku weerareen hoyga uu ka deganaa xaafada ISHA ee magaalada Baydhabo kadibna ay dileen markii uu kasoo baxay salaadii Subax.
Wadaadka la dilay oo lagu magacaabi jiray Sheekh Aadan Wariish ayaa ka tirsanaa Mashaa’iqda Caanka ah ee Magaalada Baydhaba Janaay.
Xasan Cali Hilowle, oo ah gudoomiyaha Ahlu sunna ee koofurta dalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay dilka wadaadka wuxuuna sheegay inay ka xun yihiin falkaasi lana baadi goobayo dadkii dilka geystay.
Wadaadka oo 80 sano jir ah ayaa kamid ahaa imaamyada magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in lagala baxay xaafadiisa oo ku taala bartamaha magaalada.
Ciidamo badan oo dilka kadib goobta gaaray ayaa wada baaritaano lagu raadinayo dadkii dilka ka dambeeyay, waana Wadaadkii seddexaad oo todobaadyo gudahood lagu dilo magaalada Baydhabo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

