28.2 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

“Axmed Madoobe ayaa inuu na dilayo innoogu hanjabay, isaga ayaana ka mas’uul ah qofkii la dilo’’ waxa yiri…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Gobolka Gedo laga dareemaayo qabanqaabada wajiga labaad ee shirka Midnimo, ayaa waxaa hadana soo baxaayo cabashooyin ay Odayaasha shirkaasi ka qeybgalaayo ka muujinayaan Hanjabaado uu u jeediyay Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe.

Xasan Maxamed Faarax ‘’Coon-gaab’’ oo kamid ah Wafdi Shalay gaarey Garbahaarey ayaa sheegay in Garbahaarey ay soo gaarayaan Odayaal badan oo daneynaaya inay ka qeybgalaan Shirka, waxa uuna tilmaamay inay jiraan Hanjabaado uu Axmed Madoobe u jeediyay odayaasha.

Xasan Maxamed Faarax wuxuu sheegay in Axmed Madoobe Maamulkiisa ay hadda ka billaabeen deegaanada Jubbooyinka inuu Odayaasha ugu caga-jugleeyo dil ama xariga haddii ay aadaan shirka midnimo ee Garbahaarey.

Waxa uu intaa ku daray in Magaalada Kismaayo uu ka socdo dadaal loogu jiro soo xulista Baarlamaanka Jubbaland, islamarkaana uu Axmed Madoobe Odayaasha ku cadaadinaayo inaysan faarujin Hoolka oo aysan aadin Garbahaarey.

Dhanka kale, Axmed madoobe ayaa iminka kasoo horjeeda shirka ka soconaya Magaalada garbahaarey, waxa uuna Odayaasha ugu goodinayaa inay ka fogaadan shirka looga soo horjeedo kan Kismaayo, haddii ay taasi dhacdana ay la kulmi doonaan caqabado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News