27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Dagaal khasaaro kala duwan geystay oo dhexmaray Khatumo iyo Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –Wararka naga soo gaaraya Degaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in halkaasi ay kuwada dagaalameen Ciidamo kala taabacsanaa Maamulada Khatumo iyo Somaliland.

Wararku waxa ay sheegayaan in dagaalka uu galaaftay inkabadan 7 askar oo isugu jiray labada dhinac, halka dhaawacana uu sii caga cageynaayo Shan.

Saraakiisha maamulka Khatumo, ayaa dagaalkaasi ka sheegtay guulo, waxa ayna tilmaamen in halkaasi ay ku dileen kuna dhaawaceen Saraakiil dagaalka hogaamineysay, sida ay hadalka u dhigeen.

Dagaalkaani ayaa waxa uu daba socdaa dagaal asbuucii tagay ay Ciidamada Khatumo ku qaaden deegaan aan sidaa uga sii fogeyn Saaxdheer, inkastoo dagaalkaasina ay qaaden Ciidamada Khatumo.

Dhanka kale, Maamulka Somaliland ayaan weli ka hadal wararka sheegaya in dagaalka ka Degmada Saaxdheer looga dilay Saraakiil iyo Ciidamo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News