28.7 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Dhageyso: War cusub oo kasoo baxay xaaladda caafimaad ee Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, oo tijaabo caafimaad u tagay dalka Germany ayaa ka hadlay xaaladiisa caafimaad iyo tagi taankiisa dalka Germany.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Germany uu u tagay si loo hubiyo xaaladiisa caafimaad iminka uu wanaagsan yahay, sida uu sheegayna uu dhawaan kusoo laaban doono magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Marka laga soo tago xaaladiisa caafimaad madaxweynaha ayaa sheegay in kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin wasaarada arimaha dibada ee Soomaaliya iyo Germany ayna ka wada hadlayaan xaaladaha iskaashiga labada dal iyo xiriirka wada shaqeyneyd.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu hadda caafimaad qabo uuna la kulmi doono masuul ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Germany oo safar dhanka dibada ku maqan.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalada dhawaanahaan ka dhacayay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, isagoo ku baaqay in nabada la qaato.

Caasimada Online
Xafiiska Mqudisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News